Sfi Somaliska / Soomaali

Ku soo dhawoow Lernia

Qofka aan weligii wax soo dhigan iyo  qofka waxbarasho dheer  leh ba waxanu u haynnaa koorasyo. Qof kastaa wuu  ka baran karaa Af iswiidhishka Sfi Lernia. Xiitaa waxad  naga baran  kartaa xirfad ama koorasyo loogu baahanyahay si loo galo  waxbarasho  sare.  Si wada jir ah ayeynu u helaynaa waxa kugu habboon.

Ku soo dhawoow Sfi Lernia!

Sfi Lernia

Sfi  waa af iswiidhishka qaxootiga. Sfi Lernia waxay kaa caawinaysaa in aad  dhakhso u dhex gashi bulshada Iswiidhan.  Dhakhso ayaad agtayada ugu  fiicnaanaysaa akhrinta, qorista , ku hadlidda iyo fahmidda af  iswiidhishka. Waxanu koorsooyin u haynnaa dadka bilawga ah iyo heerarka sareba. Sfi Lernia waxay cid walba u haysaa koorsooyin ku habboon.  Sfi   Lernia agteeda waxad iskuulka ku dhinac wadi kartaa baraagtiig. Waxad baraagtiigga ku tababaranaysaa af Iswiidhish iyo in aad goob shaqo  joogto labadaba. Waa bilaash in aad wax ka barato Sfi Lernia.

Macallimiin fiican

Macallinka  wanaagsani wuxu simaynayaa si aad dhakhso ugu barato af iswiidhishka.  Waxad kula kulmaysaa Agtayada macallimiin badan oo xariifyo ah. Dhawr  kun oo arday ah ayaa sannad walba doorta inay wax ka dhigtaan Sfi  Lernia.  Inta aanad bilaabin waxad gelaysaa itixaan. Sababtu waa  sidii aad u heli lahayd koorso kugu habboon, si macallimiintayadu ay  kuugu bari karaan af iswiidhishka sida ugu fiican.  Waxa kale oo aad  Sfi Lernia ka baran kartaa Af Iswiidhish xirfadeed. Koorsooyinka ku  wajahan af Iswiidhish xirfadeedka, waxad ku jilcinaysaaa ereyo iyo  weedho looga baahanyahay xirfad gaar ah dhexdeeda. 

Iskuul ah wakhtiga kugu habboon

Waxad  dhigan kartaa Sfi Lernia wakhtiyada adiga iyo qoyskaaga ku habboon.  Waxan haynna koorsooyin ah gelinka hore, gelinka damb iyo habeenkii.  Adigaa go´aansanaya. Waxa kale oo aad ku dhigan kartaa adiga oo aan  fasalka iman. Taas macneheedu waa in aad guriga wax ku dhiganayso ama  meel kale, oo aad iskuulka imanayso uun maramr. 
Ugu yaraan 15  saacadood wiiggii ayaad wax dhigan doontaa, si af iswiidhiskaagu ugu  fiicnaado sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Waxanu kaa caawinaynaa in aad qorshayso waxbarashadaada si ay kuugu habboonaadaan adiga iyo waxad u baahantahay. Wakhtiyada iskuulku way kala duwanyihiin, magaalooyinka kala duwan. Ka   wac Sfi Lernia lambarkan 0771 – 650 650 oo waydii wakhtiyada meesha aad  degentahay. Waxa kale oo aad E-mail ku waydiin kartaa, 

Mar walba waa agtaada

Sfi Lernia waxay  ka jirtaa waddanka oo dhan. Waxad geli kartaa www.lernia.se oo aad ka  heli kartaa iskuulka kuugu dhow. Iskuulladayada waxa mar walba lagu tegi  karaa bas ama tareen. 

Raadi tababar kuu dhow:
Stockholm
Helsingborg, Rundgången 32
Helsingborg, Kapplöpningsgatan 6
Göteborg
Uppsala
Västerås
Växjö
Jönköping
Kungsbacka

Contact us

Öppna/Stäng
0771-650 600 Mon - Fri 8am-4.30pm

Kontakt

Kontakta oss

Kontakta oss nedan eller ring 0771-650 600.

Chatt

Chatt

Välkommen att chatta med oss! 

Börja chatta