Ku soo dhawoow Lernia
Qofka aan weligii wax soo dhigan iyo qofka waxbarasho dheer leh ba waxanu u haynnaa koorasyo. Qof kastaa wuu ka baran karaa Af iswiidhishka Sfi Lernia. Xiitaa waxad naga baran kartaa xirfad ama koorasyo loogu baahanyahay si loo galo waxbarasho sare. Si wada jir ah ayeynu u helaynaa waxa kugu habboon.
Ku soo dhawoow Sfi Lernia!
Sfi Lernia
Sfi waa af iswiidhishka qaxootiga. Sfi Lernia waxay kaa caawinaysaa in aad dhakhso u dhex gashi bulshada Iswiidhan. Dhakhso ayaad agtayada ugu fiicnaanaysaa akhrinta, qorista , ku hadlidda iyo fahmidda af iswiidhishka. Waxanu koorsooyin u haynnaa dadka bilawga ah iyo heerarka sareba. Sfi Lernia waxay cid walba u haysaa koorsooyin ku habboon. Sfi Lernia agteeda waxad iskuulka ku dhinac wadi kartaa baraagtiig. Waxad baraagtiigga ku tababaranaysaa af Iswiidhish iyo in aad goob shaqo joogto labadaba. Waa bilaash in aad wax ka barato Sfi Lernia.
Macallimiin fiican
Macallinka wanaagsani wuxu simaynayaa si aad dhakhso ugu barato af iswiidhishka. Waxad kula kulmaysaa Agtayada macallimiin badan oo xariifyo ah. Dhawr kun oo arday ah ayaa sannad walba doorta inay wax ka dhigtaan Sfi Lernia. Inta aanad bilaabin waxad gelaysaa itixaan. Sababtu waa sidii aad u heli lahayd koorso kugu habboon, si macallimiintayadu ay kuugu bari karaan af iswiidhishka sida ugu fiican. Waxa kale oo aad Sfi Lernia ka baran kartaa Af Iswiidhish xirfadeed. Koorsooyinka ku wajahan af Iswiidhish xirfadeedka, waxad ku jilcinaysaaa ereyo iyo weedho looga baahanyahay xirfad gaar ah dhexdeeda.
Iskuul ah wakhtiga kugu habboon
Waxad dhigan kartaa Sfi Lernia wakhtiyada adiga iyo qoyskaaga ku habboon. Waxan haynna koorsooyin ah gelinka hore, gelinka damb iyo habeenkii. Adigaa go´aansanaya. Waxa kale oo aad ku dhigan kartaa adiga oo aan fasalka iman. Taas macneheedu waa in aad guriga wax ku dhiganayso ama meel kale, oo aad iskuulka imanayso uun maramr.
Ugu yaraan 15 saacadood wiiggii ayaad wax dhigan doontaa, si af iswiidhiskaagu ugu fiicnaado sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Waxanu kaa caawinaynaa in aad qorshayso waxbarashadaada si ay kuugu habboonaadaan adiga iyo waxad u baahantahay. Wakhtiyada iskuulku way kala duwanyihiin, magaalooyinka kala duwan. Ka wac Sfi Lernia lambarkan 0771 – 650 650 oo waydii wakhtiyada meesha aad degentahay. Waxa kale oo aad E-mail ku waydiin kartaa,
Mar walba waa agtaada
Sfi Lernia waxay ka jirtaa waddanka oo dhan. Waxad geli kartaa www.lernia.se oo aad ka heli kartaa iskuulka kuugu dhow. Iskuulladayada waxa mar walba lagu tegi karaa bas ama tareen.